4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 25, 2022
Dowladda Soomaaliya oo dalalka jaamacadda Carabta ka codsatay inay si buuxda u taageeraan dagaalka Alshabaab
 

Axad, December, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aways Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Libya.

Wasiirka ayaa khudbad uu shirkaan ka jeediyay, wuxuu kaga warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabab.

Wasiirka ayaa ka sheegay shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, muhimaddiisa koowaad ay tahay in Alshabaaab laga ciribtiro dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xoroobaan tacaddiyada ay kala kulmaan sida uu sheegay.

“Waxaa dagaalkaasi najaxay ee guulaha laga gaarey ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xannibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis.

Waxaa Wasiirku uu intaa ku darey in dunida Carabta ay si weyn saameyn ugu yeelanayaan wararka beenta ah iyo kuwa marin habaabinta oo uu sheegay inay ay isticmaalaan kooxaha argagixisada ama kuwa diiddan deganaanshaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ay meel uga soo wada jeestaan.

Waxaa uu ugu dambeyn Wasiirka ugu baaqay Ururka Jaamacadda Carabta inuu si buuxa u taageero dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Alshabaab taas oo uu sheegay inay horseedi karto in Soomaaliya ay si buuxda xasilooni u hesho, caalamkana ay saameyn ku yeelato.

Shirka wasiirada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa barbar socday in magaalada Tripoli ee dalka Libya sannadkan loo aqoonsadey inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada  Ururka Jaamacadda Carabta.