4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Xaaladda magaalada Baydhabo oo maanta dagan iyo madaxweyne Lafta Gareen oo baaq u diray siyaasiyiinta mucaaradka
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare weyn geystay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, sidoo kalena ay baarayaan sababtii ka dambeysay shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo ee sababtay dhimashada in ka badan 10 qof.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu yeeray cid kasta oo tabasho qabta ay timaado miiska shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo horraanta bisha koowaad ee sannadka cusub ka furmayo Baydhabo.

Madaxweyne Lafta Gareen cid gaar ah dusha uguma tuurin khasaaraha dhacay, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin in ciidamo kawada tirsan kuwa qalabka sida ay dhexdooda dagaalamaan, halkii loo baahnaa inay shabaab la dagaalamaan.