4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Maraykanka iyo Somaliland oo yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Somaliland iyo Maraykanka ayaa yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah, kadib markii uu madaxweyne Biden qalinka ku duugay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka ee loo soo gaabiyo NDAA.

Xeerkan oo uu hore cod gacan taag ah ugu ansixiyay Koongaraska Maraykanku, ayaa faraya in Somaliland iyo Maraykanku ay yeeshaan iskaashi difaac oo toos ah.

Kaaliyihii hore ee xogeeyaha arrimaha dibbada Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ansixinta xeerkan ku tilmaamay in dowlada Maraykanku ay ogaatay in Somaliland ay tahay saxiib qiimo leh, oo awoodi kara in uu la shaqeeyo Maraykanka.

"Madaxweyne Biden waxa uu saxeexay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka ee NDAA, kaasi oo ogolaanaya in Somaliland ay ka qaybqaadato barnaamijyada millateriga Maraykanka, dowlada Maraykanku ugu danbayntii xaqiiqda ayay ogaatay, 'Waddanka yar ee awooda', waa saaxiib qiimo leh" ayuu yidhi Nagy.

Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaya ku tageen Maraykanka bishii March, ayaa waji cusub u yeelay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, isagoo madaxweyne Biixi intii uu halkaa joogay uu Maraykanka ka dhaadhiciyay in Somaliland noqon karto saaxiib laysku halayn karo.

Sidookale, Somaliland ayaa sannadkii 2020 xidhiidh dibulumaasiyadeed la samaysatay jasiirada Taiwan, xidhiidhkaasi oo soo jiitay dowlada Maraykanka oo iyadu saaxiib dhow la ah jasiiradan.

Hadaba, wixii ka danbeeyay safarkii madaxweynaha, xildhibaannada Koongaraska Maraykanka gaar ahaan guddida arrimaha dibadda ayaa dadaal u galay in laga dhabeeyo xidhiidh wadashaqayneed, saaxiibtinimo iyo siyaasadeed oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]