4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadkaan ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa maamulka Jaamacadda waxay go'aamiyeen iney Madaxweynaha ugu magac-daraan xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ahaa aqoonyahanadda sanadkaan Jaamacadda ka qaatay shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Maanta kala qalin jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxuuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taasoo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahadceliyay dhamaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.