Somaliland: Miino ku qaraxday caruur xoolo la joogtay

 

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (HOL) - Ilmo yar ayaa geeriyooday 2 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, kadib markii miino kula kacday goob u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

newsinside5 qof oo kale ayaa dhawacmay kadib markii ambalaas (dhooli), loo diray caruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay baabuur xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deegaanka Balli-hiile, sida uu sheegay muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland.

Dhamaan 7-da qof ee dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Wayn ee Burco, isla markaana xaaladooda ayaa ah mid dagan, sida Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac uu u sheegay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Sida muuqbaahiyuhu ku warramay saddexda caruurta ah ee miinadu la qaraxday, ayaa adhi ku ilaalinayay goobta ay dhibaatadu kusoo gaadhay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]