4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Askari ka tirsanaa ciidanka badbaado Qaran oo meydkiisa la helay

 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) -Askarigan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mukhtaar ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel aan ka fogeyn Iskuul Booliisiyo magaalada Muqdisho, iyadoo lagu riday god qashinka lagu shubo.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in wiilkooda ay waayeen ka hor inta aan meydkiisa loo sheegin, ilaa iyo haddana ma jirto cid la sheegay in ay ka danbeysay dilkiisa.

Maxamed Mukhtaar oo ku magacdheeraa Deeqoow ayaa ka tirsanaa Ururka lagu magacaabo Duufaan isaga oo markii danbe ku biiray ciidanka badbaado Qaran xiligii ay Muqdisho martida u aheyd qalalaasihii ka dhashay muddo korarsiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkan dilka ah ee loo geystay marxuum Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]