4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Qabanqaabada shirka 20ka bishan u furmaya madaxda DF iyo dowladda gobolleedyada oo la bilaabay

 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) -Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray  wakiilo ka kala socda dowlad gobolleedyada kuwaa oo u gogol xaaraya shirka 20ka bishan lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu  ayaa sheegay in wakiiladda oo kulmay u gogol xaarayaan qaban-qaabaada shirka uu ku baaqay ra'iisal Wasaare Rooble

“ U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  ayuu yiri” Macalimow.

Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo lagu wareejiyay maamulka iyo amniga guud ahaan doorashada dalka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir 20ka bisha furmaya kaasoo looga arrisanayo doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]