4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Hay’ada caafimaadka adduunka iyo Midowga Yurub oo deeq caafimaad gudoonsiisay koomiishanka doorashooyinka Somaliland


Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO oo uu waheliyo Midowga Yurub, ayaa qalabka lagaga hortago caabuqa Covid-19 ku wareejisay koomiishanka doorashooyinka Somaliland.

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban afsaabyo iyo saabuunaha jeermis dilayaasha ah ee gacmaha layskaga dhaqo.

Qalabkan ayaa loogu talo-galay in ay isticmaalaan shaqaalaha koomishanka doorashooyinka wakhtiga doorashada.

“Koomiishanka doorashooyinka ayaa guddoomay deeq ka kooban qalabka lagaga hortago caabuqa Covid-19, oo ay ku deeqday hay’ada caafimaadka adduunka, oo uu wehelinayo Midowga Yurub” ayaa lagu yidhi warbixin lagu qoray boga koomishanka.

“Agabkan ayaa loogu talo galay in ay isticmaalaan shaqaalaha koomishanka maalinta doorashada” ayay warbixintu ku dartay.

Doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada ayaa qabsoomaya xili ay saamaynta caabuqa Covid-19 taagan tahay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]