4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Waalidiinta waliishooda tababarka ugu maqan yihiin Eritrea oo maanta dhigay iskusoo bax cabasho ah
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Waalidiinta ilmahooda tababarka ugu maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta magaalada Muqdisho mar kale ku dhigay mudahaarad ay ku dalbanayaan in wiilashooda dib loogu soo celiyo dalka.

Waalidiinta ayaa dowladda ku eedeeyay in ay dhegaha ka furaysatay baaq kala duwan oo ay u jeediyeen, waxayna sidoo kale sheegeen in maanta rasaas loo adeegsaday cabashadooda.

“Dowladda albaabada ayay naga xiratay, hadana ciidamadeedii ayaa na hortaagan oo noo diidan inaan cabashadeena muujino oo carruurteena meel lagu sheego,” ayay yiraahdeen waalidiinta.

Mudaharaadyaasha ayaa si gaar ah baaq ugu diray raysal wasaaraha Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, waxayna ka codsadeen inuu carruurtooda usoo celiyo.

Waalidiinta qaar waxay sheegeen in carruurtooda lagu qiyaanay in loo qaadayo dalka Qatar, balse la geeyay dalka Eritrea.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online