4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Hirshabeelle oo si deg deg ah uga hadashay dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Matabaan
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa si kulul uga hadlay dagaalo khasaare kala duwan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si adag uga hadlay dagaalada dib ugu soo laabtay deegaanada hoostaga degmada Matabaan, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Dagaalada ka dhacay nawaaxiga degmada Matabaan ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen ilaa sadax ruux waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in muhiim aay tahay ineey wadahadlaan labada Maleeshiyo ee dirirtu u dhaxeeyso si xal waara looga gaaro dagaalada soo noqnoqday.

"Waxaan ku baaqaya in deg deg loo joojiyo dagaalka oo la isugu yimaado miiska wadahadalka si xal looga gaaro waxa la isku haayo dagaal sidiisaba waxba sooma kordhinaayo" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Dagaalkan ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Matabaan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Baledweyne uu ka socdo shir lagu heshiisiinaayo laba Maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay duuleedka magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]