4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Ciidamo ka tirsan Haramcad oo xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Jowhar

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Haramcad oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo gadoodsan aay xireen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Jowhar.

Ciidamada gadoodsan ee Haramcad ayaa la sheegay in tiradooda aay gaareyso ilaa 50 askari kuwaas oo mararka qaar ridayay rasaas badan sida aay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wali si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadan ka tirsan Booliiska sida gaarka ah u tababaran  ee loo yaqaano Haramcad iney gadoodaan, balse warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadan aay cabasho ka yihiin in laga qaado magaalada Jowhar oo dib loogu celiyo magaalada oo markii hore laga soo qaaday xiligii doorashada maamulka Hirshabeelle, si aay uga qeyb qaataan sugida amaanka doorashadii dhacday dhamaadkii sanadkii tagay ee 2020.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay ilaa hadda Saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle ee ku aadan ciidamadaan gadoodka ka sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]