4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Ciidamada Nabadsugida Baledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoos yimaado degmada Baledweyne.

Howlagalka oo qaatay saacado badan ayay ciidamada Nabadsugida ka sameyeen deegaano dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Taliyaha ciidamada NISA ee degmada Baledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ujeedada howgalkooda uu ahaa ka hortaga weeraro qorsheysan oo aay ka war heleen in Alshabaab kusoo qaadi rabaan magaalada Baledweyne.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeyay oo aay ciidamada Nabadsugida ka fuliyaan meelo ka baxsan magaalada Baledweyne inkastoo aaysan soo bandhigin waxyaabo aay kusoo qabteen howlgalkooda, waxuuna sheegay taliyaha iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]