4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilaad lamid ah mida madaxda dowladaha la aqoonsanyahay kala kulmay Jabuuti


Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisa oo caga dhigtay madaarka Xunbuli ee caasimada Jabuuti, ayaa waxa soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Warsaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha lagu qaabilay hab maamuus lamida ka madaxda kale ee caalamka.

Waxa kale oo lagu yidhi warmurtiyeedka “waftiga madaxweynaha Somaliland iyo raysal wasaaraha Jabuuti,  oo ay weheliyaan wasiiro katirsan dowlada Jabuuti, ayaa wakhti kuwada qaatay qolka nasashada ee madaarka Xunbuli”.

“Kadibna waxa madaxweynaha loo galbiyay qasriga lagu qaabilo madaxda ka yimaada waddamada caalamka oo ay hada ku suganyihiin qaar kamida madaxda ka qayb galaysa caleemo saarka madaxweyne Geelle”.

Madaxweyne Biixi iyo waftigiisa ayaa ka qayb gali doona caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo maalinta barri ah ka qabsomi doona caasimada Jabuuti.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]