4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sii deysay maxaabiis u xirxirneyd danbiyo kala duwan

 

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay 179 maxbuus oo xirnaa danbiyo kala duwan.

Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa xabsiga ka sii daayay maxaabiista oo la sheegay in loo heysatay ama ay u xirnaayeen danbiyo fudfudud.

Cafiska maxaabiistan ayaa lagu soo beegay iyadoo guud ahaan dunida Muslimka gaar ahaan dalka Soomaaliya maalinta berri ay dadku isku diyaarinayaan maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul Fidriga.

Xeer ilaaliye Suleymaan ayaa sheegay in maxaabiistan muddadii ay xirnaayeen la baray farsamooyin ay ku shaqeystaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]