4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 11, 2021
Musharax Aadan Qaasim Sulayman oo ka warbixiyay xadhigii lagula kacay
 

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Musharax Aadan Qaasim Sulayman oo ka sharaxan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga laga soo dayay, ayaa xadhigiisa ku tilmamay mid xaqdaro ah oo siyaasadaysan.

Musharaxa ayaa ku andocooday in xadhigiisa ay ka danbeeyeen masuuliyiin katirsan xisbiga Kulmiye kuwaasi oo doonayay in ay qaataan matalaada deegaankiisa ee golaha wakiilada.

“Xabsigaygu waxa uu aha mid siyaasadaysan, xisbiga Kulmiye ayaa isku dayay in uu qaato codka deegaanka aan ka tartamayo” ayuu yidhi.

Qaasim ayaa sidookale ku dooday in qaar kamida musharixiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka uu ka sharaxanyahay ay dadka u samaynayaan balan qaadyo, si ay majara habaabiyaan musharaxnimadiisa.

“Waxa jira xilalal anan garanayn in uu nin tartame ahi bixin karo xiligan, waxay odhanayaan xil baan ku siinayaa, agaasiman kaa dhigaya, wasiirbaan kaa dhigaya iyo darajaan ku dalacsiinayaa” ayuu yidhi.

Waaxa uu dhinaca kale ku eedeeyay masuuliyiinta Kulmiye ee gobolka uu ka sharaxanyahay in ay isticmaalayaan ciidamada.

Qaasim ayaa noqonaya musharixii ugu horeyay ee faah faahin kabixiya xadhigiisa tan iyo markii horaantii tobaadkan xabsiga laga siidayay isaga iyo musharixiin kale.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]