4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble oo magacaabay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa u magacaabay afhayeenka xukuumadda  Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah rug cadaa saxaafadeed.

Macalimuu ayaa horay ula soo shaqeeyay Idaacado dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwo heer caalami ah, isaga oo sanadihii ugu danbeeyayna ka mid ahaa ururrada saxaafadda dalka.

Sidoo kale Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay in uu noqdo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra'iisal wasaaraha.

Tallaabadan uu qaaday ra'iisal wasaare Rooble ayaa qeyb ka ah isbadal weyn oo uu ku sameeyay markii horeysay howlwadeennada xafiiskiisa

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]