3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Jadwalkii ay dhawaan soo saareen guddiga doorashooyinka oo aan dhaqangalin

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) -Maanta ayeey ku egtahay waqtigii ay guddiga doorashada u qabteen madaxda dowlad gobolleedyada in ay ku soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Qoraal kol hore ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka loogu dalbaday madaxda dowlad gobolleedyada in ilaa 29ka bisha December, oo maanta ku beegan ay soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka sare, taasoo aan wali dhicin.

Waxaa muuqata in mar kale uu dib u dhac ku iman karo jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada gaar ahaan Aqalka sare, waana qeyb ka mid ah khilaafka wali ka taaggan doorashada.

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali dhankooda soo magacaabin xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     

 















Click here
12/29/2020 11:36 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa u magacaabay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah rug cadaa saxaafadeed.

12/29/2020 9:36 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Munaasibadan oo loogu talagalay wax soo saarka dhalinyarada ayaa waxa sanadkii labaad magaalada Laascaanood ku soo bandhigay hay'adda wadaniga ee SVO.

12/29/2020 9:16 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya (SONSA), ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay go’aankii wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ay ku kala diray rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

12/29/2020 7:16 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) -Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa fadhi ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxaa ay ku ansixiyeen miisaaniyada dowladda ee sanadka 2021ka

12/29/2020 5:48 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka dad ban ee Heer Federaal ayaa shaaciyay isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar ilaa 6da Jannaayo 2021.

12/29/2020 4:54 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Cabdirashiid Ducaale, maamulaha sare ee shirkadda Dahabshil, ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson.

12/29/2020 1:09 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL)-Inta la xaqiijinayo ilaa 5 ruux oo rayid ah oo ay ku jirto Hooyo iyo iyo ilmaheedi oo labo bilood jiray ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Dhoobley.

12/29/2020 1:08 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish oo u kala jabay labo kooxood oo iskasoo horjeeda, ay ku dagaalameen buuraha Cal Miskaad.

12/29/2020 12:41 AM EST
Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay xaalada gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.