4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Labo garab oo katirsan ururka Daacish oo ku dagaalamay buuralayda gobolka Bari
 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish oo u kala jabay labo kooxood oo iskasoo horjeeda, ay ku dagaalameen buuraha Cal Miskaad.

Dagaalkaan oo aan xog buuxda laga haynin ayaa wuxuu ku saabsan yahay  khilaaf awoodeed oo soo kala dhexgalay kooxda, khilaafkaas oo la sheegay inuu salka ku hayo maamulka sare ee kooxda.

Warar hordhac ah oo laga helayo dagaalka waxay shegayaan in ay ku dhinteen saddex askari iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin oo u muuqda howlgab ayaa la xanuunsan cudurka macaanka, waxaana jira warar sheegaya in kooxdu isku khilaafsan tahay cidda lagu bedelidoono.

Daacish ayaa awood aan la dhayalsan ku leh qeybo kamid ah dhulka buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan dilalka iyo weeraro ka dhan ah ciidanka ammaanka Puntland.

Dhawaan, muuqaal ay shaaciyeen ayay ku sheegeen in ay dagaal la galayaan kooxda Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwa diinta ka fog.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]