4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Adhi-cadeeye oo guul laga gaadhey colaad rubuc qarni soo taagnayd

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Munaasibad lagu soo gunaanadayey colaad ku dhowaad rubuc qarni laba beelood ka dhex taagnayd laba beelood ayaa ka dhacday dugsiga Farsamada Gacanta ee Adhi-cadeeye.

Dadaal xoogleh oo bilihii la soo dhaafay ka socdey halkaas oo la doonayey in lagu soo afjaro colaad soo noqnoqitay oo u dhexaysey laba beelood oo wada dega degmada Adhi-cadeeye oo waqooyi Laascaanood kaga quman hilaada 30Km.

Munaasibadan ayaa laga soo saaray xukumo ay ka mid yihiin 140 halaad oo ganaax looga dhigay beesha lagu eedeeyey in ay jebisey xabad joojin horey u dhex taaley labada beelood, sidoo kale waxaa halkaasi la go'aamiyey in wixii dhimasho ah 100 halaad laga bixiyo halka wixii dhaawac ahaana loo dhigay bacnaano dabadeed.

Waxgaradka labada beelood ayaa kala qaatay lacag Duug ah oo afartii ruux ee u danbeeyey ahaa, waxaanay labada dhinacba muujiyeen sida ay ugu hamuun qabeen nabad loo dhan yahay, iyagoo u mahad celiyey masuuliyiintii hawshan isu taagey.

Wasiirada Warfaafinta, Beeraha, Xanaada Xoolaha iyo Dastuurka oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday dadaalka ay u soo mareen gaadhida nabada maanta dhidibada loo aasay, waxaanay balan adag ku qaadeen in ay feejignaan dheer u yeelanayaan cida jebisa.

Cuqaal, Culimo, Aqoonyahan iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa labada beeloodba ku dhiiriyey in ay xusuustaan waxa ka dhexeeya, ayna iloobaan waxyaabaha colaada keeni kara.

Colaadan la afjaray maanta ayaa ku dhowaad toban jeer la dhameeyey oo ay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxase haatan si aad ah isha loogu hayaa iyadoo tani ay ka adag tahay kuwii hore, waana arinta magaalada Adhi-cadeeye oo  sagaashamaadkii ahayd xarun ganacsi ay ku dhacday dibudhac.

Hadal haynta ugu badan ee laga dhaxlay laba kulan oo beelo badan lagu nabadeey libteeda loo xanbaariyey Wasiirka Warfaafinta oo ku dhowaad shan bilood habeeno kooban ka maqnaa magaalada Laascaanood si uu uga lib keeno nabadaynta beelaha, waxaana la sheegayaa in weli hawlo nabadayn ah oo kale uu maanka ku hayo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood