4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Ciidamada Kenya oo dilay seddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howl gal ay ka sameeyeen keymaha Boni
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Ciidamada Difaaca Kenya ayaa subaxnimadii hore ee Axada maanta waxay sheegeen inay weerareen oo ay burburiyeen xero ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo ku taal Kaymaha weyn ee Boni.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dileen afar xubnood oo Alshabab ah, waxayna goobta weerarka ka heleen qalab isgaarsiineed iyo hub ay u adeegsanayeen inay ku dhibaateeyaan deegaanka Lamu.

Intii lagu gudajiray weerarka, ciidamadu waxay sheegeen in ay xireen hal nin oo kamid ahaa dableyda Alshabaab oo su'aalo la weydiinayo.

Afar maalmood ka hor, kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay oo qoorta ka jartay nin odey ahaa oo kasoo jeeday degmada Wajeer, taasoo keentay in ciidamada amniga Kenya ay bilaabaan howlo baadi goob ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]