4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Dowladda oo ciidamo gaar ah u diyaarineysa amniga doorashooyinka

 

Axad, December, 27, 2020 (HOL) -  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciidamo gaar ah u diyaarineyso Amniga Doorashooyinka, iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay ka dhacdo doorashada heer Baarlamaanka iyo Madaxtooyo.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Amniga Dowladda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dowladdu qorshe gaar ah  u diyaarisay amniga doorashada, kaasoo sida uu hadalka u dhigay heshiisku ku wada yihiin madaxda dowlad gobolleedyada.

Ciidamada ka wada -qeybqaadanaya Amniga doorashada oo isugu jira Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa loo qeybin doonaan sida uu sheegay Wasiiru-Dowlaha Amniga ilaa 11 magaalo oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada heer Federaal ayaa dhawaanta shaaciyay jadwal cusub oo doorasho iyaga oo faray madaxda dowlad gobolleedyada in ay deg deg u soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Golaha Aqalka sare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]