4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay dalka Jabuuti

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhaw oo maanta ah  u anbaxay dalka Jabuuti, waxaana safarkiisan ku wehlinaya Wasiirka arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle 

Dhawaan dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii Urur gobolleedka IGAD oo qoddobadii looga wada hadley uu qeyb ka ahaa khilaafka u dhaxeeya labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya.

Mudada uu halkaa jooga madaxweyne Biixi waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr.

Dhawaan ayeey aheyd markii wafdi uu horkacayay madaxweynaha Somaliland si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kulamo kula qaatay madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]