3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Kenya oo suuq kale u raadineysa ganacsiga Qaadkii imaan jiray Soomaaliya

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa hadda ka fikireysa in ay dalal kale u weecido ganacsiga Qaadka oo markii hore loo soo dhoofin jiray dalka Soomaaliya, kaddib markii uu go'ay xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo kenya.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo Qaadka iyadoo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya  uu dib u dhac ku keenay soo laabashada suuqii ugu weynaa Qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Wasaarradda Ganacsiga Kenya Johnson Weru oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murung  ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto qaabilaada wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique.

Mr Weru ayaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno horumarineed ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda.

"Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda  waxaan wadahadal la furi doonaa Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa, waa in ay la yimaadaa beeraleydu sharuucda wadamada aan la ganacsanayno," ayuu yiri Mr Weru.

Inkastoo xiriirka labada dowladood ee dariska ah Kenya iyo Soomaaliya bilihii ugu danbeeyayba uusan wanaagsaneyn, haddana waxaa jira cadaadis labada dalba lagu saarayo in ay ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jira.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

















Click here
1/31/2021 10:34 PM EST
Fiidiyowgaan ayaa sharxi doona sida ugu habboon ee loo maareeyo walbahaarkaaga iyo welwelkaaga inta lagu jiro COVID-19. Haddii aad u baahan tahay taageero caafimaadka dhimirka hadda ah:

1/31/2021 9:04 PM EST
(HOL) Xildhibaan Sare Jerry Relph ee gobolka Minnesota ayaa Jimcihii geeriyooday ka dib markii cisbitaalka loo geeyay Covid-19.

12/23/2020 2:23 PM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Midowga musharixiinta dalka ayaa si carro leh uga jawaabay jadwalka doorasho ee ka soo baxay Guddiga doorashooyinka dalka ee aan wali leysku raacsaneyn.

12/23/2020 10:39 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dad ban ee heer federal ayaa shaaciyay in jadwalka diiwaan galinta tartamayaasha doorashada aqalka sare uu bilaabanayo taariikhdu markay tahay 26-ka bishaan December.

12/23/2020 10:34 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay islamarkaana madaxa ka jartay guddoomiyihii deegaanka Gumarey oo ka tirsan degmada Wajeer gobolka Waqooyi Barri Kenya.

12/23/2020 5:48 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay magaalada Muqdisho in aysan xamili karin siyaasad ku dhisan fowdo, isagoo baaq u diray dad uu ku eedeeyay inay dowladnimada qal-qal qalinayaan.

12/23/2020 5:31 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

12/23/2020 4:17 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kaddib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

12/23/2020 2:30 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhaw oo maanta ah u anbaxay dalka Jabuuti, waxaana safarkiisan ku wehlinaya Wasiirka arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon.

12/23/2020 1:56 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer soo maamulayay tallada dalka ayaa ku dhawaaqay in markii shanaad in uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha.