4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Dowladda Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya geysay 2500 kamid ah ciidamadeeda badda
     

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika  ayaa sheegay Talaadadii maanta.

Taliska Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in tiro yar oo ciidamo ah ay kusii nagaanayaan gudaha Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan joogitaanka diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Saraakiisha difaaca  Mareykanka ayaa soo wariyay in diyaaraddo iyo maraakiibta gantaalada xambaara ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan howlgalka  bixitaanka ciidamada Maraykanka.

'' Tani waa tusaale weyn oo ah sida Mareykanku si dhaqso leh ugu awoodo inuu ka jawaabo arrimaha nuucaan oo kale ah, '' Anderson, oo ah taliyaha howlgalada gaarka ah-Afrika, ayaa ku sheegay warka AFRICOM kasoo baxay.

Ciidamada ka baxay Soomaaliya ayaa dib loogu daad gureeyay wadamada deriska si ay diyaar ugu noqdaan howlgalada la dagaalanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, sida uu sheegay Gen. Stephen Townsend, taliyaha AFRICOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]