Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- arunta dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusa-Mareeb waxaa gaaray wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James swan iyo wafdi uu horkacyo.
newsinsideMadaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku soo dhaweeyay garoonka wafdiga wakiilka Qarramada Midoobey oo lagu waddo in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda iyo qeybaha bulshada Galmudug.
Socdaalka James Swan ee Dhuusa-Mareeb ayaa sidoo kale la xiriira sida ay wararku sheegayaan in halkaa laga hergaliyo xarumo xafiiska Qarramada Midoobey uu ku yeelanayo Dhuusa-Mareeb, kuwaa oo laga haggi doono howlaha hay’addaha kala duwan ee UNka ka fulayaan deegaannada Galmudug, wafdiga James Swan waxaa qeyb ka ah wakiiladda EU, Midowga, Africa iyo IGAD
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]