4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Baarlamaanka Hirshabeelle oo muddo xilkeedka maamulka ka dhigey 5 sano

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kaddib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

Fadhiga Baarlamaaanka waxaa soo xaadiray 70 xildhibaan waxaa aqbalay muddo xilkeedka 66 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaanna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, taasoo ka dhigeysa in maamulka Hirshabeelle uu sii shaqeyn doono shanta sano ee soo socta.

Sababta loo kordhiyay muddo xilkeedka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in la kala waaciyo doorashada heer Qaran iyo tan dowlad gobolleedka oo mar walba isku soo beeganta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]