4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in dib loosoo celiyo xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee go'ay
 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed kadib wada hadalo magaalada Jabuuti ku dhexmaray hoggaamiyaasha labada dal sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kalsooni ka muujiyay khilaafka u dhexeeya labada dal in si hoose loo xallin doono si labada dal ay dib ugu soo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay aqbashay codsigii urur goboleedka IGAD ee ahaa in arinta lagu xaliyo wada hadal iyadoo shuruud looga dhigay in la sameeyo koox xaqiiqo raadin ah oo baarta cabashooyinka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay xukuumada Nairobi toddobaadkii hore sababo la xiriira faragelinta siyaasadeed.

Soomaaliya waxay sidoo kale Kenya ku eedeysay inay hubaynayso maleeshiyaad ay ku abaabulayso xadka ay wadaagaan labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]