Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyey Warshada Kabista oo maleesho mudo haysatay ay ciidamadu saaka ka qabsadeeen.
newsinsideTaliyaha ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhexmaray ciiddanka madaxtooyada Puntland iyo koox burcad ah oo ka ganacsada maandooriyaha, kuwaas oo laamaha amniga gacanta kuusoo dhigeen iyaga qamrigoodii.
Ciiddanka amniga ayaa la wareegay warshadda kabidda oo ah dhul dowladdii hore ee Soomaaliya ka tagtay, balse muddo dheer gacanta ugu jirtay maleyshiyaad hubaysan oo is arursaday, oo aan cidna ka amar qaadan.

Cismaan Cumar Maxamed, ayaa muddo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, isagoo lagu bedelay taliyihii ka horeeyay oo xilkaas iska casilay.
Wixii warar ah oo kusoo kordha kala socda Hiiraan Online
Abdisalan Nur Dirie , Hiiraan Online