Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf oo ku kulmay madaxtooyada Soomaaliya

Axad, June, 30, 2019
(HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo
muddo ku dhawaad sanad kaddib gaaray magaalada ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula
kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka ayaa imanaya
xili la soo afjaray khilaafkii muddo dheerba u dhaxeeyay maamul gobolleedka
Galmudug iyo dowladda dhexe wixii ka danbeeyay kulankii degmada Cadaado ay ku
yeesheen ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha GalmudugXaaf.
Madaxweynaha Galmudug
ayaa aqbalay go’aankii dowladda ee la xiriiray muddo xileedka Galmudug iyo guud
ahaanba waqtiga doorashada oo ay dowladdu u qabtay ilaa 4ta bisha July ee nagu
soo foolka leh.
Laakiin dhinaca kale
marka laga soo tago khilaafka Galmudug
iyo dowladda dhexe madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf ayaa warbaahinta marar kala
duwan isku mariyay erayo aan wanaagsaneyn oo dadka qaar u arkayeen kuwa uga sii
daraya xaalada, laakiin haddana waxaa muuqata in arrimahaa oo dhan meesha ka baxeen,
islamarkaana leysaga soo dhawaaday sidii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com