
Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal culus dulleedka degmada uu ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.
newsinsideDagaalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig-yada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka bilaawday iska horimad xoogan oo leysku adeegsaday hub kala duwan.
Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Buula-burte ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in iska horiamadku ahaa mid xooggan oo ugu yaraan sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska horimaadka xalay ka dhacay dulleedka degmada
Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili galinkii danbe ee shalay
ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen maamulka iyo gacan ku heynta
deegaanka Buurweyn oo saldhig muhiim ah u ahaa Ururka Al-shabaab. C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]