Hiiraan Online
4/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Shir dib loogu eegayo dastuurka oo ka furmay Garoowe
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Guddiyada dib u eegista dastuurka ee heer federaal iyo dowlad-gobolleedyada ayaa maanta shir uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shirka ayaa la sheegay muddada uu socdo in looga dooddi doono shan cutub oo ku jira dastuurka oo wax ka beddel lagu sameeyay.
"Saddex maalin oo u shirka socdo waxaa qodob qodob looga dooddi doonaa cutubyada wax laga beddelay ee dastuurka." ayuu yiri guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya,Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) .
Geeddi socodka dastuurka Soomaaliya ayaa qorshaha uu yahay in lasoo dhamaystiro kahor sannadka 2020 oo la qorsheeyey in la qabto doorasho shaqsi iyo cod, inkastoo caqabado dhanka ammaanka ah uu ka jiro dalka qaybo ka mid ah.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Onilne
[email protected]