Madaxweynaha Soomaaliya oo boggaadiyay ka mid noqoshada golaha Xuquuqul Insaanka ee QM
Sabti, October, 13, 2018 (HOL) -Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda
Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in
Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn
buuxda u tahay sida ay uga go'an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada
iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona
tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo
sannad iyo bar ah.
"In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku
biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo
noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u
xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan
sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba."
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta
ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka
Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar
la'aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan.
Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka
Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii
1971-72dii.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka
Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka
maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta
kale ee Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]