Turkiga oo maanta oo Muqdisho ka daah furaya saldhig military oo casri ah

Sabti,
September, 30, 2017 (HOL)—Saldhiggan oo noqonaya kii ugu ballaarnaa oo laga
dhiso meel ka baxsan dalka Turkiga ayaa waxaa mar kaliya lagu tababari karaa
1500 oo Askari sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga
Munaasabada
furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay
ka qeybgallaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, taliska military Turkiga, saraakiisha ciidamada AMISOM ee nabada
ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Maalintii
shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha guud ee ciidamada military –ga
dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hulusi Akar oo maanta ka qeybgali doona munaasabada furitaanka xaruntan
military.
Saldhiggan
military ayaa saaran cirifka deegaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxaana uu
kulaalayaa badweynta Hindiya isaga oo ku
fadhiya dhul dhan 4km oo isku wareeg ah, iyadoo mar kaliya ay seexan karaan 1500 oo
askari iyo ciidamada kale ee ilaalada ka ah xarunta military.
Sidoo kale Saldhiggan ayaa leh garoomo lagu cayaaro kubadda, Masjid lagu tukado Salaada, iyo goobo lagu nasto.
Turkiga
ayaa sanadihii ugu danbeeyayba ku howlanaa hergalinta mashaariic kala duwan oo
wax weyn ka badalay muuqaalka iyo bilicda caasimada waxaana ka mid ah dhismaha Ex
Isbitaalkii hore ee Digfeer oo hadda ka mid ah goobaha ugu qurxoon caasimada sidoo
kale Turkiga ayaa ka hergaiiyay dalka dugsiyo waxbarasho iyo mashaariic kale.

Xaruntan
military ee maanta laga daah furayo Muqdisho ayaa wax weyn ka tari doona
qorshaha dowlada ee dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo heer Qaran kuwaa oo la
filayo in ay amniga dalka kala wareegaan ciidamada howlgalka midowga Africa
AMISOM.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
diini@hiiraan.com