Dib u dhis ka bilaawday Isgoyska Zoobe kaddib qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Maalmo murugo
iyo baadigoob adag oo loo gallay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay
Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, hadda xaalku sidaa waa uu ka
duwan yahay oo dadku waxaa ay u jiheysteen dib u dhis iyo goobta laga nadiifiyo
bur burkii iy saameyntii uu ku reebay qaraxa.
Dhalinyaro iskood isku xilqaamay ayaa bilaabay
in ay halkaa ka qaadaan dhagxyada,
biraha iyo guud ahaanba bur burkii ka haray qaraxa si dib loogu soo celiyo
xaalada sidii hore waddada loo fasaxo in la isticmaalo.
Ganacsatada qaarkood ayaa bilaabay in ay dib u
dhisanaa dhismayaashii ku bur buray weerarkii ismiidaaminta ahaa iyadoo aad ku
arkeyso shaqaale ku howlan dib u dhiska goobihii ganacsiga iyo hoteelladii
halkaa ku burburay oo intooda badan u baahan in laga soo bilaabo meel Ebar ah.
Inkastoo laga yaabo in dib loo isticmaalo
Isgoyska Zoobe haddana waxaa hubaal in marnaba
uusan ka bixin doonin qalbiyada qoysas badan oo Soomaaliyeed oo halkaa ku
waayay dadkii ay jeclaayeen.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
diini@hiiraan.com