Gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo lagu qabtay dulleedka Gaalkacyo
Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Taliska ciidamada ammaanka ah ee maamulka
Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen gaari walxaha qarxa siday oo dhawaan
lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Gaarigan siday walxaha qarxa
ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha,
isagoo isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida ay
sheegeen saraakiisha ammaanka.
Taliska ciidamada ammaanka ee Puntland
ayaa waxaa ay sheegeen baaris kadib in la ogaaday in gaarigaasi waday walxaha qarxa
la doonayay in lagu qarxiyo shacabka Puntland.
Ugu danbeyntii, waa markii ugu
horeysay dulleedka magaalada Gaalkacyo lagu qabto gaari kuwa xamuulka qaado ah
oo lagu soo raray walxaha qarxa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com