Madaxweyne Farmaajo oo boqolaal ruux kula dukaday Salaada Jimcaha masjidka Isbaheysiga
Jicmo, June, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
C/llaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal ruux Salaadii Jimcaha kula dukaday Masaajidka
Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Salaada kaddib khudbad ka jeediyay masaajidka, isagoo kala
hadlay arrimo kala duwan, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab in ay doonayaan in ay
waji xumeeyaan Diinta Islaamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay caadeysteen inay
daadiyaan dhiigga shacabka, isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in hal meel
looga soo wada jeesto.
“Waxay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamka, iyagoo magac diin
sheeganaya ayay hadana rabaan inay daadiyaan dhiigga Islaamka”ayuu yiri
madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadkii ka qeybqaatay Salaada u sheegay in lagu
jiro 10-ka dambe ee bisha Ramadaan, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee
uu Alle wax siiyay in ay caawiyaan dadka masaakiinta ah.
Waxaa siweyn loo adkeeyay amniga Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ayaa si aad
ah loo adkeeyay, intii uu Madaxweynaha salaada jimcaha ku dukanayay, waxaa la
baarayay dadka galayay masaajidka ee salaada ku dukanayay, iyadoo wadadana la
xiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com