4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
SAWIRRO: Xuska Maalinta Haweenka Dunida oo lagu Qabtay Magaalada Minneapolis, Minnesota

Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Iyadoo shalay ay ahayd 08-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka, ayaa meelaha laga xusay waxaa ka mid ah Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo haweenka ku nool ee Soomaaliyeed ee ay soo abaabuleen.

Ururka Badbaadada Hooyada iyo Dhallaanka ee Women Child Safe Center, ayaa xafladdii lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 08-da Maarso soo agaasimey, iyadoo ay ka qayb-galeen Haween iyo Rag isugu jiray madax, dhallinyaro iyo Hoggaanka Bulshada iyo Hay’adaha u Adeega.

Xuska Maalinta Haweenka Dunida ayaa soo maray Marxalado kala duwan, iyadoo markii ugu horreysay ee Dunida laga xuso lagu xusay Maraykanka, wixii intaas ka dambeeyayna eelo kala duwan oo dunida ka mid ah lagu qabtay shirar kala duwan oo lagaga hadlayo Xuquuqaha Haweenka iyo Dhibaatooyinka soo food-saara. Waxaana sidoo kale la qabtay munaasabado fara badan oo lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka iyo kaalinta ay ku leeyihiin Bulshada.

Munaasabada Gobolka Minnesota lagu qabtay ayaa Qaar ka mid ah Haweenka Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo kuwii Jaaliyadaha kala duwan ee ku nool Gobolka Minnesota ay kusoo bandhigeen khudbado, heeso, baraanburo iyo Hadallo Dhiirri-gelin ah.

Agaasimaha Guud ee Ururka Badbaadada Hooyadda iyo Dhalaanka, Ayaan Ciise Iikar oo ka hadashay munaasabadda ayaa ka sheekeysay Wax-qabadka Ururka ay maamusho iyo baahida keentay in la aasaaso. Waxayna dadkii goobjooga ka ahaa xuska u sheegtay in ururkeedu u heelan yahay horumarinta haweenka iyo carruurta, aadna uga shaqaynayaan adeegyada muhiimka u ah.

Sidoo kale, Ifrah Mansuur ayaa iyana xuska kusoo bandhigtay gabay ka hadlaya hooyada iyo waxbarashada. Fadumo Maxamed oo deggen St Cloud, Minnesota ayaa hees ay kaga hadlayso qiimaha Hooyada, ilmana ka keentay dadkii faraha badnaa ee goobta joogay soo bandhigtay. Dahabo Cilmi ayaa baraanbur kaalinta Haweenka ee xoriyaddii iyo SYL ku lahayeen ku luuqaysay.

Pamela Gaard aa ah haweenay farshaxanka samaysa ayaa ka hadashay doorka is-dhexgalka bulshada looga baahan yahay haweenka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Xirfadahooda.

Faysal Diiriye oo ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada Sare ee Minnesota ayaa ka Akhriyey isaguna xuska gabay uu kaga hadlayo Hooyadda Afrikaanka ah, kasoo uu ugu magac-daray Hooyadda Madoow.

Ugu dambeyn, Ayaan Ciise ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhamaan la iska-kaashano caawinta iyo u gargaarka Carruurta iyo Haweenka oo Hooyinkeen ah.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota