4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
SAWIRRO: Kulamo ay yeesheen Wafdi ka socda EU-da, Madaxda Puntland iyo Bulshada Rayidka

Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay madaxa xafiiska Siyaasadda Midowga Yurub oo shalay Garoowe soo gaaray ayaa Maanta Kulammo la qaatay Madaxda Hay’adda PDRC, Xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland, Ururadda Bulshada Rayidka iyo Wasaaradaha Amniga iyo Dastuurka ee Puntland.

Kulammadan oo Gooni-gooni ahaa, ayaa waxaa looga Hadlay Dimuqraadiyeynta ‎Puntland, Horumarrada siyaasadeed ee ka socda Dalka iyo Qodobbo kale.

Wasiirrada Amniga iyo Dastuurka Puntland, ayaa sheegay in Wafdigan Midowga Yurub ay kala hadleen ka Gacan-siinta Arrimaha Ammaanka iyo Dastuurka Puntland,

Sidoo Kale, Madaxa Xafiiska Siyaasadda Ururka Midowga Yurub ayaa kulan uu la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, kala hadlay hannaanka doorashada Somalia ka dhici doonta sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, Wafdigan ka socday Midowga Yurub ayaa ka ambabaxay Puntland kaddib markii ay dhammeysteen kulammadii ay la lahaayeen Madaxda Puntland, kuwa hay’adaha madaxa-bannaan iyo qayb siyaasadda iyo bulshada Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya