4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
WADDANI: Hanjabaada Injineer Faysal Waxay Xad-gudub ku tahay Ammaanka Guddoomiye Cirro


Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa Dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Gudiga doorashooyinka Somaliland, taasoo lagu dalbaday inay tallaabo ka qaadaan, kaddib markii la sheegay in erayo amniga khalkhalgalinaya ku yidhi gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro.

Qoraal ka soo baxay xisbiga WADDANI oo uu ku saxeexan yahay ku xigeenka kowaad ee Xisbigaas, Axmed Mumin Seed ayaa ujeeddadeedana lagu sheegay dacwad Hanjabaaad ah oo kasoo yeedhay Inj. Faysal Cali Waraabi oo gudoomiye Cirro ugu hanjabay dil Toogasho ah wakhti shir ku wada jireen xisbiyadda iyo guddida doorashooyinka.

“Annagoo ah mas'uuliyiinta xisbiga WADDANI, waxaan halkaan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbinaynaa guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay guddoomiyaha UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 Shir ka socday Xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu Hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, C/raxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).  Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa Goobjoog ka ahaa Shan Xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo 7-xubnood oo Wakiillada saddexda xisbi qaran u jooga Komishanka,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xisbiga WADANI oo uu ku saxeexnaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga Axmed Mumin Seed.

Waxaana dacwadaasi lagu sharaxaya sida sharciga iyo amniga uga hor imanayso, waxaana lagu yiri. “Hanjabaadda Guddoomiye Inj. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah Xadgudub ugu tahay amniga & xoriyada shakhsiyeed ee guddoomiyaha golaha wakillada Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbi mucaaradka WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay Nabadda iyo Deggenaanshaha Guud ee Qaranka iyo Geedi-socodka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Somaliland. Falka uu ku kacay guddoomiye Inj. Faysal Cali Waraabe wuxuu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka mid yihiin qodobka 24-aad iyo 25-aad oo sheegaya Xuquuqda qofka Muwaadinka ah iyo Dhawr-soonaanta Sharaftiisa, Magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo Amaanka guud ee Somaliland.

Haddaba, Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday Xaruntooda isla markaasna Goob-joog ahaa, wuxuu xil ka saaran yahay inay tallaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena Hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna tallaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gutaan Falkan.

Ugu dambayn, Xisbiga Waddani wuxuu Hoggaansan yahay Dastuurka Dalka iyo Xeerarka ka farcama, isla markaasna uu dhawrayo anshaxa tartanka doorashooyinka, tixgalin baaxad lehna u hayaam go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa.”

Si kastaba ha ahaatee, Dacwadaha noocan ah ayaa ah mid ku cusub Miidaanka Siyaasadda, isla markaana aanay hore dacwaddo sidan oo kale ah usoo marin guddiga Doorashooyinka, balse waxaa laga war sugi doonaa Tallaabooyinka ay qaadi doonaan, mar haddii dacwaddii hore ee uu xisbiga UCID gudbiyey si deg deg ah uga jawaabaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland