4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
SAWIRRO: Bernie Sanders iyo Donald Trump oo Guulo ka Gaaray Doorashadii Gobolka Michigan

Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Xildhibaanka gobolka Vermont laga soo doorto Bernie Sanders ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii xisbiga dimuqraadiga ee gobolka Michigan, iyadoo Musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump uu isna sii xoojiyay Hoggaankiisa, kaddib markii uu guulo ka gaaray cod-bixintii Gobollada Michigan, Mississippi iyo Hawaii.

Cod-bixinno horey loo qaaday oo dhanka ra’yiga ah ayaa muujinayay in Hillary Clinton ay aad uga Horreyso Bernie Sanders, hase yeeshee Doorashadii xalay ayuu Bernie Sanders ku helay 50% codadkii la ururiyay.

Hillary Clinton ayaa si fudud ugu Guuleysatay Doorashadii Gobolka Mississippi, taasoo ay ka heshay in ka badan 80% cod-bixintii la ururiyay. Inkastoo Guushii uu Sanders ka gaaray gobolka Michigan ay dhaawac weyn ku keentay murashaxad Clinton.

Sidoo kale, Bernie Sanders ayaa Xusay in guusha uu kasoo hoyay Michigan ay muujineyso in ololihiisa Siyaasadeed uu weli yahay mid aad ugu adag meelo badan oo ka mid ah Dalka Mareykanka.

“Si aad ah dad badan u hesho, waa inaad ogaato waxaad tahay iyo Aragtida aad leedahay… marka Waxaan u soconnaa inaan hawlo wanaagsan qabanno,” ayuu yiri Bernie Sanders oo guushiisa kaddib hadlayay.

Dhanka kale, Donald Trump ayaa isna u muuqda mid aysan waxba u dhimaynin Weerarka dhinaca warbaahinta ah ee ay ku hayaan Xubnaha Jamhuuriga ee aan dooneyn inuu kusoo baxo Magacaabista Murashaxa Xisbigooda uga Qayb-galaya Doorashooyinka Madaxnimo ee dhacaya sannadkan dhamaadkiisa.

Wuxuuna Trump xalay u mahad-celiyey kuwa weerarka afka ah ku haya, isagoo sheegay in weerarka ay ku hayaan dartiis ay dad fara badan oo carreysan isaga u Codeynayaan. Isagoo Saxaafadda ugu sheegay gobolka Florida. “Caawa waxaa guuleystay hal qof oo kaliya, waa Donald Trump.”

Ugu dambeyn, Trump oo ku guuleystay cod-bixintii Florida ayaa wuxuu ku tilmaamay mid guul weyn u ah, isagoo xusay in Florida uu gurigiisii labaad yahay, uuna ku faraxsan yahay guusha uu ka gaaray,

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya