4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Jawaab ka bixiyay dacwadii UCID iyo Amaro lasoo rogay


Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa amarro ku soo rogay labada xisbi ee KULMIYE iyo WADANI oo lagu eedeeyey inay ololayaal hoose ka wadaan gobollada ay diiwaan-gelintu ka socoto, waxaana la sheegay inay ka sameeyaan ololahan hoose goobaha ay booqdaan.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa sheegay in muddo Cayiman oo ay kormeer samayn karaan xisbiyada, isla markaana aan astaamo muujinaya xisbiyadooda la imaan karin goobaha ay ka socoto diiwaan-gelintu, iyadoo la Xaddiday xubnaha iyo Gaadiidka ku kormeeri karaan goobaha diiwaangelintu ka socoto.

Arrintan ayaa ka dambeyey ka dib markii xisbiga UCID dacwad ka dhan ah labadda xisbi ee KULMIYE IYO WADANI u gudbiyey gudida doorashooyinka, waxaanay labadda xisbi ku eedeeyeen inay wakhtiga diiwaangalintu ka socoto goboladda ka dhex wadaan olole iyo isku soo baxyo goobaha ay booqanayaan taas oo uu ku tilmaameen inay tahay sharci jabin.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka oo Dacwaddaasi Xisbiga UCID ka Jawaabayay ayaa Amaro ka soo saartay hab dhaqanka iyo ilaalinta nidaamka diiwaangelinta doorashooyinka xisbiyaddu u kormeeri karaan deegaamadda ay diiwaangelintu ka socoto.

“Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan. Balse, waxaa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan KULMIYE & WADDANI, gaar ahaan labada Gobol ee Togdheer iyo Awdal, Haddaba, si looga Hor-tago soo Noq-noqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la marin-habaabiyo habsami-u-socodka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha Diiwaan-gelinta ku taariikhaysan 07/03/2016-ka ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka C/qaadir Imaan.

Haddaba, Amarada saddexda xisbi ee Somaliland la dul-dhigay ayaa u qornaa sidan:

1. In laga bilaabo 08-da March 2016-ka, sideedda guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin gobolka diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.

2. In Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo wata Min Toddoba Xubnood ay kasoo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo isbi waliba wato ugu badnaan shan baabuur oo aan lahayn istiikro, cod-baahiyeyaal iyo Sawiro, waxayna gobolkaas joogi karaan Maalinta ay diiwaan-gelinta bilaabanayso & saddex casho oo ka horreeya.

3. Waxaa looga digayaa Xisbiyada Qaranka inaan la ogolayn in lagu arko Magaalooyinka Boodhadh iyo Sawirro lagu Xardhay Murrashaxiin Sheeganaya inay u Tartamayaan Baar-Lamaanka ka hor muddada uu Sharcigu u Fasixi doono oo Go’aankiisa soo Saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

4. Xisbi kasta oo jabiya Awaamiirtan guddiga Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa dacwad ka dhan ah labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE u gudbiyey Guddiga Doorashooyinka, waxaanu ku eedeeyey in olola siyaasadeed ka dhex bilaaabaan hadba Gobolka ay Diiwaan-gelintu ka billaabato, iyagoo waliba isticmaalaya lacagtii Dowladda, maadaama oo labadda xisbi ee kale midna xukuumaddii haysto midna baarlamaankii haysto, sidaas darteed waxay guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay talaabo ka qaadaan.

Sidoo kale, Waxaa Guddida Doorashooyinku Somaliland Markiiba Jawaab deg-deg ah ka bixiyeen arrimaha lagu eedeeyey labadda xisbi ee kale, iyagoo amaawiir afar qodob ah ka soo saaray, isla markaana xaddidan weftiyada kormeerka ku imaan kara goobaha diiwaan-gelintu ka socot, iyadoo markii hore Wufuud badan Xisbi waliba ku tagi jiray Goobahaasi, taas oo u muuqan jirtay olole siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Xisbiyada Waddani & Kulmiye ayaa iyana dhinac iskaga riixay eedeentaas xisbiga UCID, waxaanay safaradda ay ku tagayaan goobaha diiwaan-gelintu ka socoto ku macneeyeen kormeer ay ku eegayaan qaabka diiwaan-gelintu uga socoto, waxayna xuseen inay dadweynaha farayaan in la is diiwaan-galiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland