4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
Ciidamo Ajnabi ah oo weeraray xalay Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Degmada Aw-dheegle


Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Ciidammo Ajnabi ah oo watay laba diyaaradood oo ah kuwa Qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa xalay weeraray saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay in weerarkaas uu kaga dhintay mid ka mid ah Xoogaggooda.

Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay in Weerarka ay soo qaadeen ciidammo kumaandoos ah oo aanu sheegin Dalka ay u dhasheen. isagoo ku daray in Weerarkaas lagu qaaday Aw-dheegle oo 50-km u jirta Muqdisho.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaan ay qayb ka qaateen Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda FS, inkastoo aanay Al-shabaab sheegin inay qayb ka ahaayeen howlgalkan ciidammo Soomaali ah.

Goob-joogayaal ku sugan Aw-dheerle ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inuu xalay ka dhacay deegaankooda dagaal u dhexeeya ciidammo diyaarado ku yimid iyo xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmadaas.

“Xalay 1:00 habeennimmo waxaan kusoo kacnay rasaas degmada ka dhacacysa, waxaana dagaalku uu u dhexeeyay ciidammo diyaarado Helicoptero ah iyo kuwa Al-shabaab,” ayuu yiri Axmed Faarax oo ka mid ah Dadka ku nool Aw-dheegle.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Aw-dheegle, Maxamed Aweys Abuukar oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 10 ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

“Waxaa haatan degmada yaalla maydadka 10-ka tirsan Al-shabaab oo weerarkii xalay lagu dilay, Waxaana jira kuwo kale oo Maydad iyo Dhaawacyo Qaba oo ay horay u sii Qaateen ciidanka diyaaradaha watay,” ayuu yiri Abuukar, inkastoo aysan jirin warar kaloo Arrintan xaqiijinaya.

Ma jiraan wax khasaare ah oo gaaray Ciidamadii Weerarkaan qaaday, iyadoo Weerarkan la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, ayna ciidamadii weerarka qaaday halkaas dib uga laabteen, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

Ugu dabmeyn, weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Mareykanku ay duqeeyeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegeen inay ku dileen 150 ka tirsan Xoogagga Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay beenisay Warkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu Horreysay oo Ciidammo gaar ah ay Weerar ku Qaadaan, iyadoo la Xusuusto in Ciidammo Faransiis ah ay Sannado ka hor sidan oo kale u Weerar guri ay deegaanka Buulo-mareer kaga suganayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya