4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
Kulammo looga Tashanayo Dhismaha Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe oo ka socda Jowhar


Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Kulammo Gooni-gooni ah looga tashanayo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa ka socda degmada Jowhar oo lagu ballan-san yahay inuu dib uga furmo shirka dhimasha maamulka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirarkan gooni-goonida ah ay leeyihiin Waxgaradka iyo siyaasiyiin ku sugan Jowhar, iyadoo warbaahinta aan loo ogoleyn inay kulammadaas goob-joog ka ahaadaan, waxaase la sheegayaa inay jiraan kala aragti duwanaasho shirka Jowhar ku saabsan.

Kulamadan gaar-gaarka ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay waxgaradka Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay Qaadaceen gabi ahaan ka Qayb-galka Shirka Magaalada Jowhar, kaddib markii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyeen inay waddo aan sax ahayn u soo martay dhismaha shirkaan.

Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin iyo xildhibaanno iyaguna aamisan in shirkan sida uu ku socdo uu yahay si aan sax ahayn, iyagoo ku baaqay in shirkan uu noqdo mid loo madax-banneeyo dhiancyada maamulka sameysanaya.

Ugu dambeyntii, Muranno ku saabsan Shirka ka socda Jowhar ayaa Dhawaanahan si ad ah sare ugu kacayay, iyadoo madaxweynaha Somalia uu dhowr jeer u tagay Baladweyne, sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadyada shirka Jowhar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya