4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
MUQDISHO: Qaraxyo ka dhacay Illinka hore ee Xarunta Gaadiidka Booliiska & Dug. 21-Oktoobar


Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay Afar qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen Qaraxyo kala duwan oo saaka ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay qaraxan ka warbixiyeen taliska booliiska Gobolka Banaadir.

Qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada C/casiis ayaa la sheegay inay ku dhinteen saddex sarkaal oo ka tirsan booliiska Somalia iyo Ruux Haween ah oo la sheegay inay lahayd maqaayadda uu gaarigu ku hor-qarxay.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo Warbaahinta la hadlay qaraxa kaddib ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid la qorsheeyay, ayna gacanta ku hayaan ruuxii gaarigaas waday oo dhaawac halis ah qaba.

"Saddex Sarkaal oo ka Tirsan Booliiska Somalia ayaa ku dhintay Qarax Saakay Aroortii ka dhacay Maqaahi kasoo hor-jeedda xarunta Gaadiidka Booliiska, dhowr ruux oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Dhanka kale, Jen. Cali Gaab ayaa ka hadlay Qarax kale oo ka dhacay Dugsiga 21-Oktoobar ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, , isagoo sheegay in qaraxaas aysan jirin wax ka dhashay oo khasaare ah, isla makraana la qabtay ruuxii qaraxaas waday.

"Ciidamada Booliiska ayaa qabtay mid ka mid ah saddex ruux oo waxyaabo qarxa wata oo la socday Mooto Bajaaj, midkood ayaa gacanta lagu dhigay, Waxyaabihii Qarxyada ahaana waa la qarxiyay, mana jirto cid waxyeello kasoo gaartay," ayuu yiri Jen. Cali Gaab,

Ugu dambeyntii, Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxyadan, balse waxay Saraakiisha Ciidamada Booliisku ku eedeeyeen Qaraxyada Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in dhowr jeer ay Al-shabaab Qaraxyo ka geysteen Muqdisho.

Xuquuqda: Sawirrada SONNA

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya