4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
SAWIRRO: Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Somalia oo Maanta Gaaray Baydhabo

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dastuurka dowladda Federaalka Somalia, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ujeeddada safarka wafdiga wasiirka ayaa lagu sheegay la xiriiro shir isugu jira wacyi-gelin iyo ka qayb-qaadashada maamulka iyo bulshada maamulka Koonfur-galbeed iyo Hanaanka dib u eegista arrimaha dastuurka.

Sidoo kale, kulankan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay kulamo dhawr ah oo lagu qaban doono dhammaan xarumaha maamul-goboleedyada Somalia, kuwaa oo looga hadli doono arrimaha dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, wafdiga wasiirka arrimaha dastuurka ee Dowladda Federaalka Somalia uu maanta ku tagay degmada Baydhabo, ayaa qaadan doonaa 14-ka - 17-ka bishan Maarso ee lagu jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya