4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Wararkii ugu Dambeeyay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maalintii 2-aad ku sugan Beledweyne


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Maalintii labaad, Waxaa Magaalada Baladweyne jooga wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukummada Somalia, C/raxmaan Max'ed Xuseen Odawaa.

Wasiirka oo shalay soo gaaray Baladweyne ayaa saxaafada u sheegay in ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisu yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan qorshaha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, wuxuuna intaa ku daray in mudada ay joogaan is arki doonaan duubabka dhaqanka gobolka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Hase ahaatee ilaa iyo hadda ma jirto cid ay si toos ah isku arkeen wasiirka iyo wafdiga la socda, waxaana warar xog-ogaal ah oo ay HOL heshay sheegayaan in xiriiro kala duwan oo wasiirka iyo wafdigiisa la sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo duubabka gobolka si ay kulan ula yeeshaan wax natiijo ah laga gaarin.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aanu la hadalnay ayaa sheegay inay ka war hayaan socdaalka wasiirka iyo wafdigiisa, laakiin ilaa iyo hadda aysan jirin cid odayaasha ka tirsan oo ay is arkeen, iyaga oo intaa ku darray in qorshaha la xiriira dhismaha maamulka labada gobol uga danbeeyaan duubabka gobolka oo dhawaan soo saaray go'aan ka dhan ah shirka Jowhar.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wasiirka batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, lamana oga sida saacadaha soo socda wax isku badali doonaan, madaama wali ay ku howlan yihiin wafdiga dowladda sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen qeybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan duubabka gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya