4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
SAWIRRO: Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta u dhoofay dalka Kuwait

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u Ambabaxay waddanka Kuwait, kaddib markuu ka helay casuumad Amiirka dalkaas, Sheekh Sabah Al-Ahmad al jabber al Sabah.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, C/raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyey ujeedka safarka maaxweynaha, waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan idiin salaamayaa hadaad tihiin Warbaahinta kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku sugan, waxaana sharaf weyn ii ah, inaan idiin caddeeyo oo aan idiin sheego, kana waramo in madaxweynaha  Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigiisa ay maanta u ambabixi doonaan Waddanka Kuwait. Booqashadan waxay ka dambey martiqaad rasmi ah oo Madaxweynaha iyo waftigiisu ay ka heleen Boqorka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad al-Jaber Al-Sabah oo diyaarad gaar ah u soo diray madaxweynaha iyo wafdigiisa si ay booqasho ugu yimaadaan boqortooyada Kuwit.”

Waxaanu intaas ku daray. “Martiqaadkaasi iyo casuumadaasi rasmigaa ee Madaxweynuhu ka helay Boqortooyada Kuwait ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo wadashaqayntii awalba ka dhaxaysay labada Waddan. Siilaanyo ayaa Safarkiisa waxaa ku wehlinaya marwadiisa, Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekedda Berbera, Inj. Cali Cumar Maxamed (xoor-xoor) iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, Cali Axmed Cali, Waxaanan rajaynayaa in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay nabad ku baxaan, haddii ALLE yiraahna ay nabad-qab inoogu soo noqdaan”.

Afhayeenka, ayaa xusay in booqashadu qaadan doonto toddobaad, hase yeeshee Dawladda Kuwait ayaa horay u maal-galisay dhismaha Madaarka Hargeysa, iyadoo ku bixisay Lacag dhan 10-milyan oo doollar, sidoo kale, waxay waddanka ka wadaa mashaariic kheyri ah oo kala duwan oo uu ka mid yahay, Dugsiga agoontu wax ka barato oo iyana lacag badan lagu maalgaliyey.

Dhinaca kale, inta aanu dalka ka dhoofin, waxa uu madaxweynuhu kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating oo markii ugu horaysay booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayay madaxweyne ku xigeenkiisa C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Axmed Cali.

Kulanka ka dib waxa ka warbixiyey wasiirka Arrimaha dibeda iyo ergeyga oo si wada jira ula hadlay saxaafada isaga oo ka waramay ujeedada socdaalka ergayga qaramadiboobey y qaabilsan Somalia, waxaana uu sheegay inuu ergaygan cusub ee dhawaan lasoo magacabay ay tahay markii ugu horreysay ee uu Somaliland yimaado, ujeedada socdaalkiisana uu ahaa is-barasho dhex-marta isaga iyo madaxda ugu sarreysa somaliland.

Ugu dambeyn, ergayga oo isagana halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Somaliland, uuna ka mahad-celinayo sida loogu soo dhaweeyay Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland