4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Xiisado ka taagan Jamhuuriyada Congo xilli lagu wado in Toddobaadka dambe la qabto Doorasho


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Jamhuuriyadda Congo-Brazzaville ayaa waxaa Axadda soo socota lagu wadaa in loo dareero doorashada madaxweynaha cusub ee dalkaas, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, Denis Sassou N'guesso uu doonayo inuu mar kale loo doorto xilka madaxweynenimada, isagoo dalkaas xukumayay in ku dhow soddon sanadood.

Ololaha doorashada ayaa waxay ka socdaan dalkaas oo dhan, laakiin isbahaysiga ugu weyn mucaaradka dalkaas ee IDC-Frocad, ayaa sheegaya in xukuumaddu ay ka hor-taagan tahay murashaxiintooda inay sameyaan ololahooda doorashada.

Afhayeenad u hadashay isbahaysiga mucaaradka ee IDC-Frocad, Guy Romain Kinfoussia ayaa sheegtay in booliisku ay u adeegsadeen isku soo bax ay dhigeen taageerayaashooda, xilli la filayay in murashaxiinta mucaaradku ay la hadlaan.

“Ciidamada booliisku waxay noo sheegeen, inuusan jirin murashax kale oo xaq u leh inuu bannaan-baxyo ku qabto bartamaha caasimadda, marka laga reebo madaxweynaha,” ayay Romain Kinfuoussia u sheegtay warbaahinta.

Xilka hoggaanka Jamhuuriyadda Congo ayaa waxaa lagu wadaa inay ku tartamaan sagaal murashax oo uu ku jiro madaxweyne, N’Guesso oo dalkaas xukumayay muddo 30-sanno ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddad Congo ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore dastuurka dalkiisa ku sameeyay isbedel, isagoo ka saaray qodobkii dhigayay in madaxweynuhu uu u tartami karo xilka laba jeer oo keliya, waxaana N’Guesso oo 70-jir ah uu weli doonayaa in uu dalkaas sii xukumo.

Sidoo kale, Is-bedelka dastuurka lagu sameeyay ayay xildhibaanada ku meel-mariyeen cod aqlabiyad ah, inkastoo kooxaha mucaaradka ay diideen inay u hoggaansamaan is-beddelka lagu sameeyay.

“Waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysan doono wareegga ugu horreeya doorashada Axada ka dhici doonta Congo,” ayuu yiri madaxweyne N'guesso oo bartamaha caasimada dalkaas ee Brazzaville kula hadlayay warbaahinta.

Dhanka kale, is-bahaysiga mucaaradka Congo ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay guddi madax-bannaan oo ay sheegeen inay doorashooyinka uga qayb-galayaan, kaddib markii ay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka ee qaban-qaabinaya doorashada madaxnimada inay u janjeeraan madaxweynaha oo ay doonayaan inuu isagu guuleysto.

Romain Kinfoussia oo ah afhayeenadda isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegtay in guddiga doorashooyinka aysan ahayn kuwo dhex-dhexaad ah oo madax-bannaan. Sidaas awgeedna ay go’aansadeen inay sameystaan guddi doorasho oo gaar u ah.

Laakiinse, xukuumadda ayaa diiday guddiga doorasho ee ay soo magacaabeen is-bahaysiga mucaaradka, Waxaana ururka Midowga Yurub ay sheegeen inay goobjoogayaal u dirayaan Jamhuuriyadda Congo-Brazzaville, si ay ula socdaan Doorashada dhici doonta Axadda soo socota.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha iyo Faransiiska oo dalkaas gumeysan jiray ayaa ku baaqay in doorashadu noqoto mid ku dhacda si xor ah oo ay cadaaladi ku dheehan tahay. Doorashadaan ayaa lagu waday inay dhacdo bishii July ee sannadkii hore ay dhacdo, laakiinse xukuumadda ayaa dib u dhigtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya