4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Kooxo Burco ku dilay Nin darawal ah & Ciidanka Amniga oo Qabtay Kooxihii Toogashada Geystay


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Koox hubaysan ayaa ku dilay maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Nin waday gaari xamuul ah oo isaga kala goosha Somaliland iyo Puntland oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Muuse Cawil, iyagoo markiiba ka baxsaday goobta, inkastoo markii dambe la soo qabtay dablaydaasi.

Taliyaha qaybta Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale ayaa sheegay in Ciidanka amnigu ku guulaysteen qabashadda sadaxdii qof ee fuliyey dilka marxuumkaasi.

Maamulka gobolka Togdheer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku Guulaysteen Qabashada dableydii Marxuumkaas ku dilay magaaladda, isla markaana meel Burco u jirta 25 Km ka soo qabteen, inkasto aanay cadeyn sababta dablaydu u dishay muwaadinkaasi.

“Maanta waxa magaaladda ku dhex toogtay nin Dirawal ah oo wadda gaadiidka xamuulka ah dabley hubaysan, kuwaas oo markiiba magaaladda ka baxay, hase yeeshee, gurmad deg deg ah oo aanu galnay iyo baadhitaan dheer waxaanu ogaanay inay gaari ka raaceen Burca una baxay xaga koonfureed ee magaalada, markii meel dhexe gaadhsiiyeyna kasoo noqday, waxaana daba gal ku samaynay raadkoodii anagoo wadooyin qardo jeex ah marayna, kolna lugaynayna oo raadkooddii hayna marka baabuurta fuulaynaya, waxaana meel u jirta Burco 25-km ugu tagtay saddexdii nin ee dilka fuliyey, inkastoo is difaaceen, balse markiiba way is dhiibeen waana soo qabanay, gacanta dawladda way ku jirtaa”ayuu yidhi taliyaha qaybta gobolka Togdheer Guutaalle.

Guddoomyaha gobolka Togdheer, Maxamed Ibraahim Qabo ayaa isagana u mahad-celiyay ciidamadii ammaanka ee gacanta ku soo dhigay dableydii marxuumka dishay, waxaanu ku ammaanay ciidanka booliiska qabashada dableydaas, isagoo xusay in sharciga la hor geyn doonno.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cadaani ayaa sheegay in markii ay dilkaas maqleen shir deg deg ah oo ay iskgu yimadeen ciidanka ku amray in dableydaasi nolol iyo dhimasho mid uunku keeneen, nasiib wanaagna markiiba soo qabteen.

Dhanka kale, Illaa hadda lama oga sababta darawalkan loo dilay, laakiinse ciidanka amniga ayaa sheegya inay baarayaan sababta keentay dilkaasi.

Ugu dambeyntii, waxaa Somaliland muddooyinkii u dambeeyey kusoo noq-noqday dilalka, waxaana u badan yihiin aanooyin, inkastoo wali si rasmi ah aan loo ogeyn in dilkan maanta dhacay sababta loo geystay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland