4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Xildhibaanada Galmudug oo Maanta Is-bedel ku sameeyay qodobka xil ka qaadida Madaxweynaha


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado oo ah xarunta maamulkaas ayaa is-beddel ku sameeyay qodob dastuuri ah oo ku saabsan xil-ka-qaadista madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas.

Kulankaan oo ay soo xaadireen 55 xildhibaan, ayaa ka doodeen mooshin ay soo gudbiyeen 24 xildhibaan oo ku saabsan la xisaabtanka xukuumadda, iyagoo ku sababeeyay is-bedelka ay qodobkan ku sameeyeen si loo adkeeyo la xisaabtanka xukuumadda.

Dood dheer kaddib, ayay xildhibaannadu waxay u cod u qaadeen qodobkan la beddelay oo markii hore ahaa - seddex meelood oo laba meel in xilka looga qaadi karo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxayna xildhibaannadu kusoo koobeen cod hal-dheeri ah (50+1).

Natiijada codeynta oo uu ku dhawaaqay Afhayeenka Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayuu sheegay inay ogolaadeen qodobka la beddelay ee (50+1) ah, 47-xildhibaan, lix mudane ay diideen, ayna ka aamuseen laba xildhibaan oo keliya.

“Qodobkan wax laga bedelay ee xil-ka-qaadista madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo codkii ay xildhibaannadu u qaadeen ayaa natiijadiisu noqotay, 47 xildhibaan oo ogolaaday, laba mudane oo ka aamusay iyo lix mudane oo diiday, qodobkana waa ansax wixii maanta ka dambeeyay,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Galmudug oo hadlay kaddib codeyntii xildhibaannada Galmudug.

Dhanka kale, afhayeenka baarlamanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in xildhibaannadu ay go’aanka lahaayeen, ayna cod geliyeen, isagoo xusay in wax walba oo xildhibaanadu ay keeneen ugu dambeyn lagu kala baxo cod.

Ugu dambeyntii, Qodobkan ay maanta wax ka beddeleen xildhibaannada Galmudug ayaa u muuqda mid cadaadis saaraya Madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo Xukuumadda maamulkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya